Godkii ugu dheeraa abid ee looga kala gudbayay Mareykanka iyo Mexico oo la helay

Saraakiisha dalka Mareykanka waxay sheegeen inay arkeen godkii ugu dheera abid ee waxyaabaha sharci darrada ah looga kala gudbiyo Mareykanka iyo Mexico.

Godka oo balaciisu lagu sheegay 4,309ft, wuxuu leeyahay Wiish, tareen, koronto iyo meelo loogu talagalay inay hawada kasoo gasho.

Wuxuu godka isku xiraya magaalada warshadaha leh ee Tijuana taas oo dhacda duleedka caasimadda Mexico ilaa iyo degmada San Diego ee gobolka California dalka Mareykanka.

Saraakiisha ma aysan sheegin cidda ay ku tuhunsan yihiin inay qodday godkan isla markaasna aysan jirin cid loo qabtay.

Mareykanka ayaa koox kasoo jeeddo Mexico oo ku lug leh ka ganacsiga sharci darrada ee daroogada ku tilmaamay kooxaha ugu weyn dunida ee ka ganacso daroogada, kuwaas oo ka howlgalo deegaankaas.

Waxaana hogaamin jiray ,Joaquin “El Chapo” Guzman oo hadda xabsi daa’iin ku qaadanaya gudaha Mareykanka.

.
.