Shirkadda diyaaradaha Boeing oo la kulantay khasaarihii ugu weyna abid muddo 20 sanno ah

Shirkadda diyaaradaha Boeing ayaa gashay khasaarihii ugu weynaa abid in ka badan 20 sanno xilli ay sare u kacday dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay shirakadda Boeing 737 Max.

Shirkadda soo saarta diyaaradaha ayaa sannadkii lasoo dhaafay laga mamnuucay dalal ka tirsan caalamka taas oo saameyn ku reebtay kaddib markii labo nooc kamid ah diyaaraddan ay burburtay taas oo ay ku dhinteen 346 qof.

Wuxuu noqonaya khasaaraha ay gashay shirkadda 636 malyan doolar sannadkii tegay.

“Waxaan qirsanahay khasaaraha na soo gaaray balse waxaa inoo taalla shaqo badan” ayuu yiri madaxa cusub ee shirkadda, David Calhoun.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay burburtay diyaarad noocaas ah oo ay isticmaaleysay shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ay ku geeriyoodeen dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii la socday oo isku darka tiradoodu ay gaareysay 157 ruux.