200 Oo Qof Oo Dalka Iiraan Ugu Geeryooday Xanuunka Coronavirus

Tirada dadka u dhintay cudurka Coronovirus ee dalkaasi Iiraan ayaa hadda gaartay 210 sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan xarumaha caafimaadka ee dalkaasi.

Tiradan ayaa aad uga saraysa oo khilaafsan tirada dadka u dhintay cudurkaas ee dowladu ay sheegtay taasi ah oo 34 qof.

Ilaa 388 qof oo kale ayuu cudurku ku dhacay, Bukaanada cudurka qaba ayaa intooda badan ku sugan caasimadda Tehraan iyo Magaalada Qoom oo ahayd meeshii uu ka dilaacay cudurku

Dhinaca kale, Dowladdu waxay xirtay kalfadhigii barlamaanka Iiraan , waxaa kaloo la xiray xarumihii kale ee dowladu leedahay si looga hortego Coronovirus.