Shacbka Dalka Swedan Oo Aan Jeclayn Donald Trump

Sanadkan Donald Trump wuxuu ahaa madaxweynaha Mareykanka sedex sano, welina caan kuma ahan dadka iswiidhishka ah.

Warbixin ay Novus, oo ah shirkad oo cilmi baadhis sameeysa ayaa lagu ogaaday in Donald Trump aan sidaa looga jecleyn Sweden.

Sidaa daraadeed ayaa ah tobankii iswiidhishka ah ayaa aan doonayn isaga.

– Qaabka uu hadlo ayaa sii xumaaday sannadihii la soo dhaafay, markaa wax lala yaabo ma aha inaaney dad badan oo Iswiidhish ah sidaa u sii jecleyn, ayuu yiri Sören Holmberg oo ah borofisoor Cilmiga Siyaasadda kana yimid Göteborgs Universitet.

Dadka aan sidaa u jecleyn Donald Trump waa dadka da’da, haweenka iyo dadka u codeeya xisbiyada Libaraalka iyo Bidixda. Waxa mida kale sii kordhaya dadka u codeeya xisbiyada Kristdemokraterna,

Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ee diidan Donald Trump marka loo eego meesha ay ka taagnaayeen sedex sano ka hor.

Ugu dambayntii, Iswiidishka ayaa aaminsan inay wax xuun tahay haddii Trump la doorto mar labaad.