5 Qof oo lagu Dilay Dagaal Beeleed ka Dhacay Jubbada Hoose

Duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmahan ka dhacayay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo isku haysta dhul 25km galbeed kaga toosan Kismaayo.

Inta la ogyahay 5 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaal saaka dhacay, iyadoo tirade guud ee dagaalladan ku geeriyootay ilaa iyo haatan la sheegayo im ay gaarayso 8 qof.