Qoor-qoor Oo Loo Doortay Madaxwaynaha Cusub Ee Maamul Goboleedka Galmudug

Doorashada oo ka dhacdaay magaalada Dhuusamarweeb ayaa wareegii koowaad wuxuu Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor helay 66 cod isagoona ka adkaaday sedex musharax ee kale, kuwaasi oo lagu kala magacaabo.
1) Axmed Shire Maxamed  oo helay              1 cod.
2) C/laahi Axmed Samatar  oo helay             9 cod.
3) C/raxmaan Aadan Sabriye oo helay          1 cod.
4) Axmed Cabdi Kaariye oo helay                  66 cod.

Waxaa markiiba magaalada ka billowday dabbaaldegyo lagu taageerayo madaxweynaha la doortay Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor.