Bariga Afrika: Qiimaha yaanyada oo sare u kacay

Qiimaha lagu kala iibsado khudradda yaanyada ayaa sare u kacay dalal ka tirsan bariga Afrika, waxaana dalalkaas kamid ah Kenya, Uganda iyo Tanzania.

Inta badan yaanyada waxaa laga sameeya maraqa, waxaana sare u kaca qiimaheeda loo aaneeyay roobabka mahiiganka ah ee ka da’y gobolka.

Wuxuu hoos u dhac ku yimid wax soo saarka beerihii laga soo saari jiray yaanyada taasoo dhalisay in beeraleyda ay dabuuli waayaan baahida suuqa.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xabaddii yaanyada aheyd waxaa lagu kala iibsanayaa qiimo ilaa 5 iyo 7 jeer ka badan kii hore.

Dad badan ayaa cabasho ka muujiyay arrintani, waxayna codsadeen khudaar kale oo ay ku beddalan karaan yaanyada maadama aysan gooyi karin.