Muxuu Muuse Biixi ka yiri “tegitaanka” Farmaajo ee Hargeysa?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raalli gelintii madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Somaliland balse waxa uu meesha ka saaray in Farmaajo uu booqasho ku tego Hargeysa.

“Madaxweynaha Soomaaliya imaanaya Somaliland, horta waa hadal heyn, laakin hadal heyntaaba xun, madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi, tallaabo wanaagsan buu qaaday marka uu yiri raalin gelin baan bixinay, laakin wuxuu ku dilay markuu yiri waan imanayaa Hargeysa,” ayuu yiri Muuse Biixi oo jeedinayay khudbad sannadeedka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka shaqeysay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Somaliland.

“Waxaa kamid ah inay dagaal la gasho oo ay xiriirka u goyso dowlad kasta iyo ha’yad kasta oo xurmeyso ama maamusta Somaliland”

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay heshiin karaan waa haddii ay qaddariyaan go’aanka shacabka Somaliland iyo gooni isu taagooda.

.