Dabley ‘weerar ku qaaday’ bas marayay deegaan ka tirsan gobolka waqooy bari Kenya’

Ugu yaraan 3 qof oo rakaab ahaa ayaa ku dhintay weerar ay koox hubeysan ku qaaday bas kaaso baxay magaalada Mandheera ee gobolka waqooy bari Kenya, sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

Xilligii uu weerarka dhacayay baska wuxuu marayay deegaanka Sarmaan ee ku yaal waqooyiga magaalada Mandheera.

Maamulka shirkadda basaska ee Mooyaale Raha ayaa xaqiijiyay weerarka isla markaana sheegay in saaka baska ay dabley rasaas ku furtay xilli uu ku wajahnaa magaalada Nairobi, sida laga soo xigtay wargeyska.