Erdogan oo hanjabaad hor leh u jeediyay ciidammada Suuriya

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in waqtiga uun uu ka xigo xilligii ay ciidammadiisa qaadi lahaayeen howlgal lagu joojin karo weerarada ay ciidammada Suuriya ay ka fuliyaan gobolka Idlib.

Recep Tayyip Erdogan wuxuu ka digay inay ka go’antahay sidii uu u xaqiijin lahaa amniga deegaanada xadka ku yaal isla markaana uu u sugi amniga shacabka u dhashay labada dal ee degan halkaas.

Wuxuu madaxweynaha ku hanjabay in ciidammada Turkiga ay gobolka Idlib ku qaadi doonaan weerar militari oo hor leh si u joojiyaan howlgalada ciidammada Suuriya kaas oo horseeday in gobolka ay ka qaxaan malaayin qof oo rayid ah.

Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa imaanaya xilli lagu guuldareystay wadahadallo u dhexeeyay Turkiga iyo Ruushka oo la doonayay in lagu soo afjaro dagaallada ka taagan gobolka Idlib.

Xukuumadda Ankara waxay isku dayday in heshiis xabad joojin ah looga dhawaaqo gobolka balse dowladda Suuriya iyo Ruushka ayaa diiday heshiiska xabad joojinta ee la shaaciyay sannadkii 2018-kii.