Dufcaddii ugu Horeysay ee Ka Qalin Jabisa Dugsiga Hayd Academy Oo Maanta Loo Qabtay Munaasibad Balaadhan.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Maanta Magaalada hargeisa Lagu Qabtay Qalinjabinta Dufcaddii ugu Horeysay Oo Ka Baxda Xayd Akaadami,dugsigan oo lagu barto luuqadaha kala Duwan Ayaa Maanta Waxaa ardaydan Qalinjabinaysay ahaayeen kuwo Dhammaystay Barashada Luuqada English-ka.

Tirada Ardayda Maanta ka qalinjabinaysay akaadamiga xayd ayaa tiradoodu dhamayd 65 arday Oo Si Tayo Leh loo Baray Luuqada Ingiriisiga.

Ugu Horeyn Maamulka Akaadamiyada Hayd Mudane Khadar Cabdi Jaamac Oo Ardayda Kula Dardaarmay Inay Maanta Heleen Furihii Barashada cimiga kala duwan kaas oo ay Door Wanaagsan ka qaadato Barashada Luuqada Ingiriisigu,

Waxaanu Maamule Khadar Yidhi..”Waxaan Maanta Ardayda Leeyahay Maanta Maydaan Qalin jabin ee maanta Ayaa Hesheen Furihii Qalinka oo uu idiin bilaabmayaa qalinkuna, dadaalkaa iyo horumarkaa dhinaca waxbarashada waxa door laxaad leh ka qaata si ardayga ay ugu sahlanaadaan Qoraalka iyo Akhrisku Waxaa muhiima inuu qofku barto luuqada Ingiriisiga.

Ku Xigeenka Xayd Akaadami ayaa ka waramay Qorshaha Loo Aaas-aasay Sidii Dhalinyarta iyo da’yarta looga caawin lahaa barashada luuqada ingiriisiga oo ah furaha culuumta gabi ahaan.

Waxaanu sidoo kale sharaxay Maamule ku xigeeka xayd akaadami qaababka fudud ee ay dhalinyarta u baraan luuqada Englishka.

Dhanka Kale Macalimiinta dugsiga xayd akaadami oo isugu jira Macalimiin Ajaanib ah iyo kuwo reer Somaliland oo Dugsigan Wax ka dhiga ayaa Sharaxay Faa’iidada waxbarashada iyo Doorka uu luuqada ingiriisigu Ku Leeyahay tayada Waxbarashada iyo Cilmiga uu Baranayo.

Gabo Gabadii waxaa halkaasi kusoo bandhigay Ardayda dhamaysatay  Barashada Luuqadan Ingiriisiga ee Wakhtiga kooban ay baranayeen.

Iyagoo halkaasi kasoo Jeediyey Tobigyo Ay Kusoo bandhigeen Luuqada Ingiriisiga.

Somaliland Marka laga hadlayo Dhinaca waxbarashada ardayda ayaa Aad loo dhaliilaa Luuqada ingiriisiga oo Inta badan caqabad hor leh ku noqota ardayda jaamacada wax ka dhigta, Waxaana dugsigan Xayd uu hormood ka noqonayaa kuwa u sahlaya da’yarta reer somaliland in wakhti kooban si tayo iyo tilmaan leh loogu dhigayo Barashada luuqada Ingiriisiga oo ah furaha barashada culuunta kala duwan.

Sidoo Kale Akaadamigan Xayd Ayaa Kamid ah Qaybta Barashada iyo Barbaarinta Ubadka yaryar ee KG Kaas oo ay Wax ku bartaan Boqolaal ubad ah oo si tayo leh Wax loogu baro.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.