Faah-faahinta:-Khasaaro ka Dhashay Qarax ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu qabsadey Gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano kaaribta,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen Afar ruux oo ilaa iyo hadda meydkooda la aqoonsan yahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xirey Wadada uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo wada howlgallo baaritaano ah.

Dad ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in qaraxa uu saameeyey isku socodka dadka iyo Gaadiidka,sidoo kalena ay jiraan dad ku dhaawacmay qaraxaas.

Ilaa iyo hadda lama oga dadka sida gaarka ah qaraxa loola beegsanayay,waxaana horey wadadaas qaraxyo kala duwan lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo AMISOM.