Fanaanad Shamis Qardo-Jeex Oo Fariin Kulul U Dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Kuwa Ka Hooseeya, Shacabka Somaliland Ugu Baaqday Inay Fadhiga Ka Kacaan.

Hargeisa(GNN):-Fanaanad Shamis Qardajeex oo Ku Sugan Dalka Dibediisa Ayaa Shacabka Somaliland ugu baaqday Gudo iyo Dibed Meelkasta oo ay joogaan Inay Fadhiga Ka Kacaan Islamarkaana Dacweeyaan Kuwii ka Danbeeyey Xasuuqa Shacabka Somaliland, oo maalinwalba inta ay Media Hoos istaagaan Ku Faanaya in Ay Sax Ahayd Xasuuqii loo gaystay Dadka Maatida ah.

Waxaanay Shacabka Somaliland ugu Baaqday Inay Dacwado Sida ugu dhakhsaha Badan uga Furtaan maxkamadaha Caalamiga ah ee Ka Garnaqada Danbiyada Caalmiga ah, Sidoo kale Waxay Fariin kulul u dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Kuwa ka hooseeya isaga ee ay Kamidka yahay Wasiir Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo ay Ku Tilmaantay inuu Yahay Qof aan Damiir iyo Xishood Midna lahayn.

Halkan Ka Dhegayso Fariinta Fanaanada Oo Si Kulul Uga Hadashay.