Guryo ku yaalla London oo la baaray kadib weerarkii Axaddii

Booliska Britain ayaa maanta baaritaan ku sameeyey laba guri kadib markii ay toogahso ku dileen nin argagixiso ah oo laba qof mindi ku weeraray, waddo ku taalla London.

Sudesh Amman, oo 20 jir ahaa, islamarkaana xirnaa jaakad qaraxdo oo been abuur ah, ayaa Axaddii lagu dilay waddo ku taalla koonfurta London, kadib wax ay booliska ku sheegeen dhacdo la xiriirtay “Islaamiyiin.”

Amman ayaa dhowaan laga sii daayey xabsi, isaga oo aan waqtigiisa dhameysan, kadib markii loo xiray falal argagixiso.

Saraakiisha ka hor-tagga argagixisada ayaa baarayey guri ku yaalla koonfurta London iyo guri kale oo ku yaalla Bishop’s Stortford ee waoqoyiga London, una dhow garoonka diyaaradaha London Stansted.

Ammaan ayaa bishii December 2018 waxaa lagu xukumay xabsi ah saddex sano iyo afar bil kadib 13 dambi oo kala duwan oo uu galay. Waxaa bishii May 2018 lagu xiray London, ayada oo la tuhmayo inuu qorsheynayey weerar argagixiso.

Saraakiil hubeysan ayaa mar walba daba socday, taasi oo qeyb ka ahayd howl-gal lagu sheegay “ka hortag argagixiso.”