Al-Qacidada Jasiiradda Carbeed oo sheegatay weerarkii Pensacola

Cod lasoo duubay oo la rumeysan yahay inuu ka yimid kooxda Al-Qacida ee Jasiiradda Carbeed ayaa Axaddii lagu sheegtay mas’uuliyadda toogashadii bishii December ka dhacday saldhig ciidamada badda ah oo ku yaalla magaalada Pensacola ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Hase yeeshee, sheegashada ayaan lagu soo darin wax caddeymo ah oo taageeraya.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa umadda Muslimiinta, oo aan taageereyna howl-galkii shahiidnimo ee geesiga Muhammad bin Saeed Al-Shamrani,” ayaa lagu yiri codka ay baahisay kooxda Al-Qacida ee dalka Yemen.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, ka hor inta aan la toogan qofka fuliyey oo ahaa askari Sacuudiyaan ah oo tababar u joogay saldhigga.

Ilo-wareed ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Reuters u sheegay in Mareykanka uusan rumeysneyn sheegashada kooxda Al-Qacida ee Jasirradda Carbeed, ee ah in ninka weerarka fuliyey uu ayaga matalay.

Ilo-wareedka ayaa sidoo kale sheegay in kooxdan laga yaabo inay sheegashada u sameysay, si ay uga jawaabto warar dhowaan soo baxay oo sheegaya in la dilay hoggaamiyaheeda.

Warar dhowaan laga helay Yemen ayaa sheegayey in hoggaamiyaha Al-Qacidada Jasiiradda Carbeed, Qassim al-Raymi lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Marib.

Sarkaal ka tirsan dowladda Yemen ayaa Reuters u sheegay inay jirto duqeyn drone oo ka dhacday Marib, hase yeeshee Raymi uusan ahayn qofka lagu dilay.

REUTERS