Iiraan oo ku eedeysay Sucuudiga inuu ka hor istaagay ka qeyb galka shirka ururka Iskaashiga Islaamka

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa sheegay in dowladda Sucuudiga ay wafdigii Iiraan ka hor istaagtay inay ka qeyb galaan shirka ururka iskaashiga Islaamiga oo ka socday Sucuudiga kaas oo sannadka loogu magac daray “qorshihii qarniga”

Afahayeenka wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Sucuudiga in wafdigooda waqti dambe ay siiyeen dal ku galka.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Mousavi ayaa sheegay in Sucuudiga uu u diiday wafdigii Iiraan inay shir ka socday magaalada Jidda ka qeyb galaan kaas oo looga hadlayay qorshaha nabadeynta Trump ee Bariga Dhexe kaas oo uu dhawaan shaaca ka qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabada Sucuudiga ay kasoo horjeeddo in dalalka xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka ay si xor ah ay ugu qeyb galaan shirarkooda isla markaasna xukuumadda Riyaadh ay si khaldan u adeegsaneyso martigelinta shirka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Faaris.

Waxaa maanta lagu wadaa in dalalka ka tirsan ururka iskaashiga Islaamka ay halkaas ku yeeshaan kulan deg deg ah.