Maleeshiyo wadatay mootooyin oo 20 qof ku dilay Burkina Faso

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay kaddib markii weerar lagu qaaday tuulooyin ku yaal waqooy galbeed dalka Burkina Faso.

Dabley aan heebtooda la aqoon oo saarnaa mootooyin ayaa galabnimadii Sabtidii weeraray tuulada Lamdamol oo ku taal gobolka Seno ee dalkaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Weerarkan ayaa imaanaya toddobaad uun kaddib markii 39 qof ay ku dhinteen weerar ay maleeshiyaad ku qaadeen suuq ku yaal Burkina Faso.

Waxaa bilooyinkii ugu dambeeyay sare u kacay weerarada ay gobolkaas ka geystaan kooxaha jihaad doonka.

Waxay arrintani imaaneysa xilli Faransiiska uu shaaca ka qaaday in 600 oo ciidan uu u diraya gobolka Saaxil si uga hortaggaan halista amni.

Kumanaan qof ayaa ka qaxay amni darrada ka taagan waqooyiga Burkina Faso