Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kulan U Qabtay Labada Madaxweyne Somaliland iyo Somalia+Qodobo Muhiima Oo laga Wada Hadlay.

Addisabab(GNN):-Wararka Ka Imanaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay kulan siisay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somalilad Muuse Biixi Cabdi, galabnimadii maanta.

Ilaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen. Waxaa wararku ay sheegayaan in kulankoodu uu qaatay 40 daqiiqo ilaa hal saac.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda keliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale ee wafdigooda.

Waxaana Ilo Wareedyo kala Duwani tibaaxeen In Raysal Wasaare abiye Axmed uu Ka Danbeeyey Qorshaha Kulanka madaxdan labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

Walow Ay hore u jireen Wadahadalo Dhexmaray labada Dhinac ee Somaliland iyo Somalia oo Ka dhacay dalalka dibada sida turkiga iyo ingiriiska ayaa haddana kulankan hadda ku dhexmaray labada madaxweyne noqonayaa kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia.

Inkasta oo aanu Ilaa Hadda Jirin War Rasmiya oo ka soobaxay dhinaca somaliland iyo Somalia oo la xidhiidha kulanka Labada madaxweyne, ayaa Bulshadu u dhegtaagaysaa Natiijada kasoo bixidoonta Kulamada ay Ilowareedyadani Tibaaxeen.

 

 

Gabiley News Network