Maxkamad amartay in lasoo xiro madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika

Maxkamad ku taal Koonfur Afrika ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma kaddib markii uu ku guuldareystay inuu kasoo hor muuqdo maxkamad.

Zuma oo loo heysto dacwad musuq maasuq ayaa lagu waday in maanta uu kasoo hor muuqdo maxkamad balse xaaladdiisa caafimaad ayaa laga deyriyay, sida ay sheegeen qareenadiisa.

Qareenkiisa ayaa ku dooday in maxkamadda looga baahan yahay inay ogaato xaaladda caafimaad ee Zuma.

Laanta qaran ee arrimaha dacwadda ayaa ku doodday in warqaddii muujineysay inuu xannuunsanaa Zuma ay aheyd mid aan la aqbalin karin maadama ay u muuqatay in taarikhda wax laga baddalay.

Haddii maxkamadda ay xaqiijiso in uu ka been sheegay xannuunkiisa isla markaasna uu ku kasoo hor muuqan waayo maxakamadda 6-da bisha May inay ka dhigan tahay in la xiri doono.

Zuma waxaa lala xiriiriyay musuq maasuq dhanka ganacsiga hubka sagaashamaatkii.

Balse wuxuu beeniyay inuu wax dambi ah galay.