Sadax Iraniyiin U Basaasayay Sucuudiga Oo Maanta Lagu Xiray Dalka Denmark.

Saddex nin oo ka tirsanaa ururka mucaaridka carabta Iran oo u basaasayay Sucuudiga ayaa maanta lagu xiray dalka Denmark.

Sadaxdan nin ee la qabtay ayaa ku noolaa Denmark, kuwaasoo looga shakisanaa inay xiriir la lahaayeen fallaago bishii September ee sannadkii 2018-kii gudaha Iiraan ku weerartay militariga dalkaas, waxaana weerarkaas ku dhintay 24 qof.

Booliska Denmark ayaa sheegay in saddexda qof ay ka tirsanayeen dhaqdhaqaaqa xoreynta gobolka Ahvaz ee qaniga ku ah shidaalka ee ku yaal koonfur galbeed Iiraan, iyadoo mid kamid ah raggaas lagu soo warramay inuu isku dayay inuu dilo nin ka tirsanaa sirddoonka Iiraan sannadkii 2018-kii, waxaana weerarkaasi fashiliyay booliska Denmark.

Agaasimaha sirddoonka Denmark Finn Borch Andersen ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin in dalalka shisheeye ay harddankooda keenaan dalkan”