Mu’addin lagu tooriyay masaajid ku yaal London

Booliska magaalada London ayaa xabsiga u taxaabay nin isku dayay inuu dilo nin mu’addin ahaa xillii uu aadaamayay saaladda casar masaajid ku yaal bartamaha London.

Ninka mu’addinka ah oo 70 jir ah ayaa si xun u dhaawacmay kaddib markii toori la geliyay balse saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in xaaladdiisa aysan halis ku jirin.

Dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka ayaa ka hortaggay ninka weerarka geystay isla markaasna waxay gacanta ku dhigeen ninka weerarka geystay ilaa uu booliska uu u yimaado.

Maamulka masaajidka ayaa xaqiijiyay in mua’ddinka toori lala beegsaday xilli uu saaladda casar aadaamayay.

Agaasimaha masaajidka, Axmed Al Debian ayaa sheegay in mu’addinka uu telefoon kula hadlay xilli uu jiifay isbitaalka isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Booliska waxay sheegeen inay sare u qaadeen howlgallada lagu sugayo amniga masaajidka.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhacdada isla markaana taageero u muujiyay dhibanaha.

Duqa magaalada London, Sadiiq Khan ayaa dhankiisa sheegay in booliska ay xaqiijinayaan amniga masaajidka.

Exit mobile version