Wasiir kala garan weyday ‘Switzerland’ iyo ‘Geneva’

Waxaa dalka Koonfur Afrika si weyn looga hadal haya hadal si lama filaan ah uga soo baxay wasiirka isgaarsiinta dalkaas Stella Ndabeni-Abrahams kaas oo ahaa inay garan weyday in Geneva ay tahay caasimadda waddanka Switzerland.

Wasiirka ayaa ka jawaabeysay eedeymo loo jeediyay xilli ay wareysi siineysay mid kamid ah warbaahinta dalkaas.

Ndabeni-Abrahams ayaa lagu eedeeyay in lacagaha dadweynaha ay u adeegsatay munaasabad ay uga dabaal degayeen arooskooda kaddib markii seygeeda ay u qaaday dalka Switzerland.

“Aniga iyo seygeyga weligeen ma aanan tegin Switzerland, waxaan booqasho ku tegnay Geneva iyo New York, dabcan si aan usoo qabto shaqadii la iga filayay, arrintaas waa been” ayay tiri wasiirka oo ka jawaabeysay eedeymaha loo jeediyay.

Stella Ndabeni-Abrahams waxaa wasiirka isgaarsiinta u magacaabay madaxweyne Cyril Ramaphosa sannadkii 2018-kii.

Exit mobile version