Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Soo Bandhigay Khariirada Dhabta ah ee Dawlaha Somaliand Itoobiya iyo Somalia.

“Ninkay Dhibaysee Cidlada Ka Dhurmaa, Midnimo Dhimatuu Kusii Dheganyee, Dhegaha ugu Rida Inaaney Dhacayn”

Hargeisa(GNN):-Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Dr Abiye Ahmed Ali Ayaa Soo Bandhigay Khariirada Wadamada Ethiopia, Somaliland iyo Somalia, Taas oo si waafiya u Muujinaysa In Jamhuuriyada Somaliland oo Madax Banaanideeda si Rasmiya ugu dhawaaqday 26 june 1960 aaney kamid ahayn Koofurta Somalia, ama wixii laysku odhan jiray Dawlada Somalia  Khariirad ahaan iyo Maab ahaanba, Waxaan Sawirka Khariiradan oo Uu Raaciyey Qoraalo Koobkooban oo ku Qoran Luuqadado Kala duwan oo ah afafka amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “xoriyadda dalkeena, barwaaqada dalkeena.”

Talaabada Dr Abiye oo ah Mid kor u Qaadaysa Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia oo derisnimo qotodheer leh xidhiidho ganacsi oo fara badan uu ka dhexeeyo,ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan uun Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Safar Shaqo u Tagay Dalka Ethiopia kuna kulmeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo ay Dawlada itoobiya ku Qaabishay Madaxweynaha Somaliland Meeqaam Aad u Sareeya oo Lagu Soodhaweeyey Rooga Cas iyo Calanka Tawxiidku ku Xardhan yahay ee Jamhuuriyada Somaliland.

Sawirka Khariiradan uu Baahiyey Raysalwasaare Dr Abiye Ahmed oo aan Farxadgalin inta Ka Xun Horumarka iyo Jiritaanka qaranimada Somaliland ayaa Markiiba kula boobay Barta uu ku leeyahay raysal Wasaare Abiye Bogga Twitterka Aflagaado iyo Cay Wax lagaga Sheegayo Raysal Wasaaraha oo ay Qaarkoodu ku tilmaamayeen inuu Yahay Mid Kala Qaybina Dalka Somalia, iyadoo Dadka aaminsan aragtida noocaas ee ah in Midnimo Somaliweyn jirto ay Yihiin Shaqsiyaad ay Maamulka Madaxweyne farmaajo iyo Raysalwasaare Khayre ku Naasnuujiyeen Aflagaadada iyo cayda Qaranka Somaliland oo baraha Bulshada inta Badan ku baahiya Qoraalo Lagu Xaqirayo Qaranimada Somaliland, oo aan ahayn Mid Dheeldheel iyo Ciyaar Lagu Dhaliyey ama Ku Timid.

Waxaana Kooxaha Inta Badan u Adeegaya Maamulka Farmaajo Oo La baxay Magacyada ay Kamidka yihiin Nabad iyo Nolol Base Shacabka Somaliland u Yaqaanaan Nabar iyo Naxdin oo kaliya qorshaha iyo Shaqada Ay hayaan ay tahay In ay Wax Kasta oo Wanaaga ama Horumar oo usoo Kordha Qaranka somaliland ay Wax Ka Sheegaan ama ay Baraha Bulshada Kagaga ololeeyaan Aragtida Somaliweyn iyo Sheekooyin Daciif ah oo ah, iyagoo sidoo kale ka amaana ugana ololeeya Maamulka Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Khayre oo Tahli Kariwaayey inay Sugaan Amniga Magaalada Muqdisho oo Wax ka Ka yar 2 Kilomitir oo ay ku Taalo Villa Somalia, ay ku Ilaaliyaan Ciidamda Amissom. Halka ay Bilkasta ugu yaraan ay Ka dhacaan Magalaada muqdisho qaraxyada Laba ilaa saddex ay ku Nafwaayaan Shacabka Aan Waxba galabsan.

Sikastaba ha Ahaatee Maamulkan Magac u yaalka ah ee Muqdisho aan Ka Wada Talin Ma Turunturayn Karaa Taabagalka Qaranimada Somaliland oo Ah Mid Lagu Sadqeeyey Dhiiga Nafo Badan. Waa Maya Jawaabtu.

 

Hargeisa Somaliland 

Gabiley News Network