Uganda oo ‘kharash la’aan’ awgii usoo daabuli la’ ardeyda Wuhan

Dowladda Uganda waxay sheegtay in kharash badan uu ku baxayo kireynta diyaarad soo daabusha ardeyda u dhalatay dalkaas ee ku xayiran magaalada uu ka dilaacay caabuqa Corona ee Wuhan ee Shiinaha.

Balse Uganda waxay sheegtay in ardeyda gaareyso 105 ay siineyso taakuleyn dhaqaale.

Hadda ma jiraan qorsheyaal dowladda Uganda ay kusoo daabuleyso ardeyda ku sugan Shiinaha, waxaana baarlamaanka Uganda ka dhacday dood ku aadan arrintaas oo lagu kala qeybsamay.

Wasiirka caafimaadka ,Dr Jane Ruth Aceng ayaa baarlamaanka ka hor sheegtay in Uganda aysan ka war heyn caabuqa Corona isla markaasna aysan sameyn wax diyaargarow ah oo ku aadan ka hortagga cudurka.

Waxaan baraha bulshada ka socday olole loogu baaqayo Uganda inay soo daabuso ardeyda ku sugan magaalada Wuhan ee Shiinaha.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 100 qof oo saarnaa diyaarad ka timid dhinaca Shiinaha la karantiilay.