Xaaska madaxweyne ku-xigeenka Zimbabwe oo loo diiday inay tagto gurigeeda

Xaaska madaxweyne ku-xigeenka Zimbabwe Marry Mubaiwa ayaa loo diiday inay carruurteeda xidhiidh la yeelato amaba ugu tagto guriga.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii maxkamada sare ay meesha ka saartay codsiga Mubaiwa ay ku dooneysay in loo ogolaado inay u tagto carruurteeda.

Waxaa lagu amray inay ku noolaato guriga waalidkeed inta laga dhegeysanayo kiiskeeda oo maxkamadda yaal.

Xaaska madaxweyne ku-xigeenka Zimbabwe ayaa la xidhay bishii Diseembar kadib markii lagu eedeeyay inay iskudayday dilka ninkeeda Constatino Chiwenga.

Waxaa kale oo lagu eedeeyay inay ku gacanta kula jirtay ganacsi been-abuur ah iyo lacagaha suuqa madow.

Marwada ayaa damiin lagu sii daayay lixdii bishii Janaayo iyada oo lagala wareegay baasaboorkeeda diblumaasiga ah iyo warqadaha lahaansha hanti maguurto ah oo ku diiwaangashan magaca aabbeheed.