Waa kuma Qasim al-Raymi? Hogaamiyaha Al-Qaacidda ee la dilay

Kooxdan uu hogaaminayay Qasim al-Raymi ayaa la asaasay sanadkii 2009-kii, waxaana ujeedkoodu ugu weyn ay ku sheegeen sidii ay uga hortagi lahaayeen dowladda uu Mareykanka taageero iyo danaha dalalka reer galbeed ee gobolka.

Wararka ku saabsan in Mareykanka uu dilay hogaamiyaha Al Qaacida ee Yemen ayaa soo shaac baxay dhammaadkii bishii Janaayo, haseyeeshee kooxda oo ka jawaab celineysay ayaa labadii bishan febaraayo soo duubtay codka Qasim al-Raymi oo sheegaya in kooxda AQAP ay ka dambeysay toogashadii ka dhacday xarnuntii miltaraiga Mareykanka ee floridda.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen balse ma aysan sheegin waqtiga la dilay.

Warbixinta Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in dilka Qasim ay wiiqeyso dhaq-dhaqaaqii ay ururka ku lahaayeen caalamka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dhimashada hogaamiyahaasi kadib, danaha Mareykanka ee gobolka uu badqabo.

Ururka ayaa saameyn badan ku lahaa dalka Yemen, waxaana uu ka faa’iideystay xasilooni darrida ka taagan dalkaas, taas oo saameysay dalal badan.

Waa kuma Qasim al-Raymi?

AFP

Al-Raymi waxa uu dhashay 5-tii bishii June 1978 waxa uuna ku dhashay gobolka Raymah oo u dhaw magaala madaxda dalkaasi ee Sanca.

Qasim al-Raymi Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah.

Raymi waxa uu tabare ciidan ka ahaa xero ay al-Qaeda ku lahayd Afghanistan kun sagaal boqol iyo sagaashameeyadii 1990s. Waxa uu sannadkii 2004-tii usoo wareegay dalka Yemen halkaas oo uu ku xirnaa muddo shan sannadood ah isagoo loo haystay inuu ku lug lahaa shan safaaradood oo la weeray kuwaasi oo ku kala yaalay dunida daafeheeda.

Ka dib markii uu sannadkii 2006-dii ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa, al-Raymi ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay aasaasidii al-Qaeda -da Yemen oo uu mar Mareykanka ku tilmaamay iney tahay Al-Qaaciddada ugu saameynta badan marka laga soo tago Pakistan and Afghanistan.

Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu ka dambeeyay weerarro dhawr ah oo ka dhacay gudaha dalka Yemen iyo Sacuudi Carabiya kuwaasi oo ay ku naf-waayeen boqolaal qof.