Biden oo madaxweyne ku-xigeen haweeney ah ballan-qaaday

Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee Xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden ayaa aballan-qaaday inuu haweeney ka dhigan doono musharax madaxweyne ku-xigeen, haddii uu ku guuleysto loolanka Dimoqraadiga.

“Haddii la ii doorto madaxweyne, golahayga wasiirada, maamulkayga, waxay u ekaan doonaan waddanka, waxaana ballan-qaadayaa in xaqiiqdii aan haweeney u magacaabi doono madaxweyne ku-xigeen,” ayuu yiri Biden, oo horey isaga xitaa usoo noqday madaxweyne ku-xigeen, intii lagu guda jiray dood uu xalay la yeeshay ninka kula loolamaya musharaxnimada xisbiga Dimoqraadiga ee Bernie Sanders.

“Waxaa jira haween badan oo u qalma in berri ay noqdaan madaxweyne ku-xigeen,” ayuu kusii daray Biden.

Musharaxa siyaasadda bidixda-fog, Bernie Sanders ayaa isna ku jawaabay “inay u badan tahay” inuu sidaas oo kale sameyn doono.

“Aniga, ma ahan oo kaliya inaan magacaabayo haween, waxaana xaqiijin doonaa inaan helno haweeney la jaanqaadda is-beddelada bulshada, waxaana jira haween badan oo sidaas ah,” ayuu yiri Sanders.

Laba goor ayaa taariikhda Mareykanka haween loo doorto inay noqdaan musharax madaxweyne ku-xigeen.

Musharaxii Dimoqraadiga Walter Mondale ayaa doortay in haweeney ay madaxweyne ku xigeen u noqoto 1984-kii, halka Sarah Palin ay ahayd haweeneydii uu sidaas oo kale u xushay John McCain oo ahaa Jamhuuri 2008, hase yeeshee labadaba waa looga adkaaday doorashada.

Xubnaha ay suurta-galka tahay in Biden uu doorto waxaa ka mid ah Senator Kamal Harris iyo Senator Amy Klobuchar, oo labadaba ka haray loolanka musharaxnimada Dimoqraadiga ee sanadkan, ama xitaa Elizabeth Warren, oo si kooban mar u hogaamineysay tartanka.

AFP