Nin laayay 19 qof oo naafa ah oo dil lagu xukumay

Nin u dhashay dalka Japan ayaa lagu riday xukun dil ah kaddib markii sannadkii 2016-kii uu weerar ku qaaday xarun lagu daryeello dad naafo ah, wuxuu halkaas ku dilay 19 qof.

Satoshi Uematsu ayaa sheegay in dadka naafada ah ee hadalka ku dhibtoonaya aysan laheyn wax xuquuq ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Kyodo.

Waxaa dhacdadaas lagu tilmaamay dilkii ugu xumaa ee ka dhaca Japan, waxaana falkaas ka naxay dad badan.

Maxkamad ku taal degmada Yokohama ayaa maanta ninkan ku xukuntay daldalaad.

Satoshi Uematsu wuxuu horey u sheegay in racfaan uusan ka qaadan doonin go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda.

Ninka 30 jirka ah ayaa horey uga shaqeyn jiray xarun lagu xannaaneeyo dadka naafada oo ku taalla agagaarka magaalada caasimadda ah ee Tokyo.

Qareenadii diafaceysay waxay horraantii sannadkan sheegeen in Satoshi Uematsu uu qabay xannuun dhanka maskaxda ah maadama uu isticmaali jiray daroogo.