CAR WAA NINKA TAAHA..!

Sheeko_Gaaban: Waadhka jajabka ee isbitaalka guud ee magaalada Hargaysa ayaa galab la soo dhigay dad badan oo shil baabuur dhaawacyo jajab u badan ka soo gaadheen. Waadhkii la dhigay ayaa taahoodii iyo jibaadkoodii is qabsaday oo bukaankii kasoo horeeyay ee qaarkood bogsadka ahaa xamili waayeen. Fiidkii ayaa mid ka mid ah bukaanka ladnaaday oo galabtii yara dusay oo soo cunay geedkan ibtilada ah ee loo yaqaano jaadka uu soo jiifsaday sariirtiisi. Marqaankii jaadka iyo sawaxanka dadkii jajabnaa ayuu gami waayay oo saqdii dhexe intuu ka soo booday sariirtii oo laydhadhkii shiday lana soo baxay tooray ayuu dhex orday waadhkii isagoo leh “caawa waa habeenkagaygii waa habeenkii hadaanu reer hebel nahay aanu waalan jirnay CAR WAA NINKA TAAHA!” oo isagoo tooraydii lulaya uu ku daray “CAR, CAR, WAA NINKA TAAHA TOORAYDAAS AYAAN KU AASAYAA” mar qudha ayaa waadhkii bukaankii jiifay sanqadh laga waayay kuwii carcartu haysay ee jajabka ahaa waxay afka ku gurteen goyaashoodii si aan ninkan u maqal taahooda. Ninkiina markii ay taahii joojiyeen ayuu laydhkii bakhtiiyay oo lac yidhi. Waagu markuu baryay ee shaqaalihii kuwii u horeeyay waadhka soo galeen ayay bukaankii marqudha qaylo isku dareen iyagoo leh “WAAR NINKAA WAALAN NAGA QABTA, WAANU SIGANAY XALAY” markaasuu soo toosay isagoo qoslaya oo leh “waan miyirsadee iska taaha”.

Xasuusnaada kulankeena iyo ha ilaawina balanteena. Maxamed Xasan Cali Waji

W/Q:-Mohamed Adan Gacayte