Ciyaaryahanno ka tirsan Arsenal oo laga baqay inay qaadeen caabuqa Corona

Kulanka caawa dhexmari lahaa kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa noqday kii ugu horreeyay ee laga baajiyo Horyaalka Ingiriiska caabuqa Corona awgii.

Go’aankan ayaa la gaaray kadib markii ay cadaatay in qaar kamid ah ciyaartooyda Arsenal ay laba todobaad ka hor la kulmeen milkiilaha kooxda Olympiakos ee dalka Giriigga ka dhisan, Evangelos Marinakis, ninkaasi oo dhawaan laga helay caabuqa Corona.

“Talada caafimaad ee aan helnay ayaa muujinaysa in ay aad u yartahay khatarta ah in ciyaaryahannadaasi uu ku dhacay caabuqa Corona,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Arsenal.

“Hase yeeshee waxa aan si adag u raaceynaa talada dowladda ee ah in qof kasta oo xiriir dhaw la sameeyay shakhsi qaba caabuqa uu is karantiillo muddo 14 maalmood ah oo ka billaabmeysa marka ugu dambeysay ee ay kulmeen, ” ayuu sheegay naadiga Arsenal.

Kooxda ayaa sheegtay in maadaama aysan ciyaartooydaasi ka qeyb qaadan karin kulanka caawa uu Horyaalka Premier League go’aansaday in ciyaarta la baajiyo.

Arsenal ayaan shaacin magacyada ciyaartooyda la kulantay Mr Marinakis.