Uganda oo 500 kun oo doolar si khaldan ugu dirtay Shiinaha

Wasaaradda maaliyadda Uganda ayaa ka codsatay safaaradda Uganda ee Shiinaha inay dib usoo celiso lacago si khaldan loogu diray Shiinaha kaddib markii la ogaaday in 10 jeer ka badan la diray lacagtii horey loo qorsheyay.

Golaha wasiirada Uganda ayaa ansixiyay $61,800 doolar si loogu diro ardeyda u dhalatay dalkaas ee ku go’doonsan magaalada Wuhan oo ah goobta uu ka dilaacay caabuqa Corona ee dalka Shiinaha.

Balse wasaaradda waxbarashada Uganda ayaa codsatay in $600,000 lagu taakuleeyo ardeyda ku sugan Shiinaha.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo uu soo xigtay wargeyska The daily Monitor ayaa sheegay in lacagta ay ansixiyeen golaha wasiirada isla markaana loo diray Shiinaha.