Diyaarad dagaal oo ku burburtay Pakistan

Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Pakistan, ayaa ku burburtay meel u dhaw beer ku taala caasimadda Islamabad.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada cirka ee Pakistan ayaa lagu sheegay in diyaaradaas ay ku guda jirtay diyaargarowka ku aadan maalinta xorriydda ee dalkaas oo ku beegan 23 bishan Maarso.

Booliska caasimadda Islamabad ayaa isku gedaamay halka ay ku dhacday diyaaradda oo aan ka fogeyn garoonka Jinnah.

Ciidanka cirka ee Pakistan ayaa sheegay in duuliyihii diyaaradda, Noman Akram Shaheed uu ku dhintay shilka, waxaana milateriga dalkaas ay amreen in la sameeyo baaritaan ku aadan waxa dhacay.

Waxaa baraha bulshada lasoo dhigay muuqaallo muujinaya diyaaradda oo dhaceyso, kadibna qiiq aya cirka isku shareeray. Muuqaaladaas ayaa u muuqday kuwa laga duubay dhismayaal ku ag yaala halka ay diyaaradda ku dhacday.

“Kooxaha gurmadka ayaa halka ay diyaaradda ku dhacday loo diray,” sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka cirka.

Afhayeen u hadlay ciidanka cirka ee Pakistan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay diyaaradda.