Cuqaal iyo Waxgarad Si Adag u Difaacay Shaqsiyaadka Eedaha Raqiiska ah u Jeedinaya Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Cuqaal iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley iyo Deegaaanada hoos yimaada Ayaa maanta Shir Jaraa’id oo ay maanta Qabteen Waxay Si Adag u Difaaceen, Eedo Waxba kama Jiraan ah oo loo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, Mudane C.wali Sheekh Suufi Jibriil,

Sidoo kale Waxaa iyaga eedahaasi ay sheegeen inay kamid yihiin Xidlhibaan C.laahi balaaki iyo badhasaabka Gobolka Gabiley.

Cuqaashan iyo Waxgaradkan Kasoo Jeeda Deeganada gabiley Ayaa Si adag uga Hadlay Cid kasta oo Fidno ka dhexwada reerka, Waxaanay sidoo kale usoo jeediyeen golaha Deegaanka Degmada gabiley, Wasiirka Wasaaarada arrimaha gudaha jsl  inay Talaabo Ka Qaadeen Xildhibaan ay Sheegeen inuu qayb ka yahay kicinta arrimhaasi.

Cuqaashan Oo Maanta Kulan Ku yeeshay Magaalada Gabiley Ayaa Si Wada Jir ah uga Hadlay Talaabo Kasta oo lagu wiiqayo Wadajirka Shacabka Ku Wada nool deegaankaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.