WARARKA




Halkan Ka Daawo:Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Ayaa War Cusub Ka Soo Saartay Masaajidada Jimacaha Lagu Tukanaayo.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo kamida guddida qaran ee ka hortaga caabuqa Covid19, ayaa mar kale farriin uu u diray culimada masaajidada ku sheegay in ay wakhtigii salaada Jimcaha lagu jirayey masaajidada ka soo gaabiyaan sidii hore, si looga taxadiro duruufaha caafimaad ee jira.

Wasiirka oo goor dhaweyd shir-jaraaโ€™id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sidoo kale dadweynaha ku booriyey in sababaha la xidhiidha foojignaantaย  Covid19 dartood โ€œwaa in Masaajidada yar yar ee aan hore loogu tukan jimcaha lagu tukado si loogu kala nefiso halkaasโ€ayuu yidhi Wasiirka Diintu.

Guddida qaran ee ka hortaga caabuqa Covid19, ayaa hore u beyaamiyey in ay culimadu salaadaha jamaca ah raaciyaan ducada qunuuda ee la akhriyo marka loo sujuudayo ragcada u dambeysa ee salaadaha. โ€œwaxa kale oo aan mar kale ku celinayaa oo aan culimada ku adkaynaynaa in ay salaadaha jamaca raaciyaan ducadii qunuuda ahayd sidii guddidu hore u sheegtayโ€ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Khaliil.

Halkan ka Daawo Muuqaal: