Haweeney 103 jir Iranian ah oo ka badbaaday Coronavirus

Haweeney 103 jir Iranian ah ayaa kasoo kabatay cudurka Coronavirus, sida ay werisay warbaahinta dowladda, inkasta oo ay jiraan caddeymo xooggan oo muujinaya in dadka da’da ah ay halista ugu xooggan kala kulmaan fayruska.

Haweeneydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa la dhigay isbital ku yaalla magaalada bartamaha dalkaas ku taalla ee Semnan, halkaasi oo ay ku jirtay toddobaad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

Hase yeeshee waxaa “isbitaalka laga saaray kadib markii ay si buuxda usoo kabatay” sida uu sheegay Madaxa Jaamacadda Sayniska Caafimaadka Semnan, Navid Danayi oo ay soo xigatay IRNA.

Haweeneydan ayaa ah qofkii labaad ee waayeel ah oo cudurkan Coronavirus uga badbaada dalka Iran.

Qofka kale ayaa ah 91 jir kasoo jeeda magaalada Kerman ee Koonfurta Bari ee Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRNA.

Kadib markii uu xanuunsanaa kaliya saddex maalmood, wuxuu soo kabtay Isniintii, inkasta oo ay jiraan xanuuno kale oo uu qabo sida dhiig karka iyo neefta, sida ay sheegtay wakaaladda.

Warbixinta ma sheegin sida labadan qof loo daweeyey.

Tan iyo markii Iran ay ku dhowaaqday in qofkii ugu horreeyey uu dalkaas ugu dhintay Coronavirus, 19-kii Febraayo, wuxuu fayruska ku faafay 341-ka gobol ee dalka, wuxuuna dilay in ka badan 1,000 qof.

Dadka waayeelka ayaa ah kuwa ugu baylahan cudurkan, oo markiisii koowaad kasoo shaaca baxay Shiinaha, dabayaaqadii sanadii tagtay.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa qiyaasa in Coronavirus ay u dhintaan 3.4 boqokiiba dadka uu ku dhaco. Hase yeeshee dadka ka weyn 80-ka ayaa heerka dhimashadu ay tahay 21.9 boqolkiiba.

AFP