Koonfur Afrika oo xaqiijisay in ka badan boqol qof oo uu ku dhacay cudurka Corona

Koonfur Afrika waxaa sare u kacay kiisaska cudurka Corona, waxaana haatan la xaqiijiyay 116 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalkaas.

Koonfur Afrika waxay qaatay tallaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo cudurka, waxay xirtay xudduudaha iyo dhammaan Iskuulada.

Inta badan dadka laga helay cudurka waxay ka yimaadeen dalalka dibadda gaar ahaan Britain.

Dhanka kale, jasiiradda Zanzibar waxay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaaraha Tanzania,Kassim Majaliwa.

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay qof kale oo uu ku dhacay cudurka Corona kaas oo ku sugan gudaha magaalada Dar es Salaam, Tanzania waxay haatan xaqiijisay ilaa saddex kiisas oo cudurka Corona ah.