Iiraan oo xabsiyada kasii deysay kumanaan maxaabiis ah

Iiraan ayaa si kumeel gaar ah xabsiyada uga sii deysay in ka badan 54,000 oo maxaabiis ah si looga hortaggo caabuqa Corona si uusan ugu faafin xabisyada dalkaas.

Gholamhossein Esmaili oo ka tirsan waaxda garooska Iiraan ayaa weriyeyaasha u sheegay in maxaabiista laga sii daayay xabsiyada kaddib markii la xaqiijiyay in aysan qabin caabuqa Corona.

“Maxaabista u xiran dambiyada dhanka amniga oo lagu riday 5 sanno oo xarig ah lama sii deyn doono” ayuu yiri afahayeenka.

Cudurka Corona wuxuu ku baahay gudaha Iiraan halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan 77 qof muddo yar labo toddobaad.

Talaadadii, wasiirka caafimaadka Iiraan wuxuu sheegay in tirada dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay Corona ay sare u kacday in ka badan boqolkiiba 50, hadda wuxuu ku dhacay gudaha Iiraan 2,336 qof inkasta oo la rumeysan yahay in tirada ay intaas ka sarreyso.