Kumanaan ka barakacday dagaalladii ka dhacay gobolka Gedo

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in gobolka Gedo ay ka qaxeen dad lagu qiyaasay 56,000 qof kaddib dagaal dhawaan halkaas ku dhexmaray ciidammada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Waxay sheegtay inta badan dadka ay ka barakaceen Beled Xaawo isla markaana ay aadeen dhulka miyiga iyo deegaanada kale ee ku teedsan.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dhinacyada isku hayo gobolka inay ilaaliyaan ammaanka shacabka.