Kenya oo shaaca ka qaaday goobaha halista ugu jiro inuu ka dilaaco Corona

Kenya ayaa shaaca ka qaaday goobaha halista ugu jiro inuu ka dilaaco caabuqa Corona, waxaana deegaanadaas kamid ah magaalooyinka xeebta ku yaal ee Mombasa iyo Kilifi, maadama halkaas ay dad badan u dalxiis tegaan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa kamid ah meelaha laga digay inuu ka bilowdo Corona maadama uu ku yaal garoon caalami ah.

Madaxa ka hortagga cudurrada ee Kenya, Daniel Langat ayaa sheegay in deegaannada kale ee laga casbi qabo ay kamid yihiin gobollada galbeedka iyo waqooy bari.

Kenya ilaa haatan lagama soo sheegin qof uu ku dhacay caabuqa Corona ee ku baahay dalal badan.