Sacuudiga oo dib u furay Xarameynka

Dowladda Sacuudiga ayaa dib u furtay Xarameynka kaddib markii halkaas ay ka socdeen howlo lagu buufinayo xaramka iyo masjidka Nebiga ee ku yaal Madina si looga hortaggo caabuqa Corona, sida uu ku warramay telefishinka dowladda ee Al-Akhbaariyah.

Ma kala cadda in muslimiinta loo ogolaaday inay kusoo cumreystaan halkaas ama in kale.

Sacuudiga ayaa dhawaan muslimiinta dalalka dibadda ka mamnuucay cumrada xilli ay jirto cabsida laga qabo Corona, go’aankaas oo sidoo kale saameeyay shacabka Sacuudiga kaddib markii la xiray Xarameynka.