Kuuriyada Koonfureed oo la timid farsamo fudud oo lagu baaro Caabuqa Corona

Kuuriyada Koonfureed, oo ah waddanka labaad ee Shiinaha kaddib uu saameynta ugu weyn ku yeeshay Caabuqa Corona ayaa la yimid fikrad si sahlan dadka looga baari karo xanuunkan.

Inta badan gobolada dalkaas ayaa laga furay goobo dadka gaadiidka wata ay isku baari karaan iyagoo aan gaarigooda ka dagin.

Adeeggan, oo loo yaqaanno “Drive Thru”, ayaa inta badan lagu yaqaannay makhaayadaha mashquulka ah iyo meheradaha kale ee laga dukaameysto.

Qaar ka mid ah khubarada dhinaca caafimaadka ee caalamka ayaa sheegay in habka dardarta ku socda ee ay Kuuriyada Koonfureed ku baareyso Caabuqa uu yahay mid saameyn leh oo ammaan mudan.

Waxay sheegeen in awoodda ay Kuuriyada Koonfureed u adeegsatay la tacaalista cudurkan cusub ay tahay mid aad u baaxad weyn oo ka wax tar badan dhammaan dalalka kale, oo uu ku jiro Mareykanka.

Ku dhawaad 70,000 oo ruux ayaa isbuucii lasoo dhaafay gudaha Kuuriyada Koonfureed looga baaray xanuunka loo bixiyay Covid-19.

Dalka Japan ayaa tirada baaritaanka ee uu ilaa xilligaas sameeyay lagu sheegay qiyaastii 1,890, halka Mareykankana uu gaaray 445 baaritaan oo kaliya, sida ay sheegtay warbaahinta ABC.

.

Dr. Todd Ellerin, oo ah agaasimaha waaxda la tacaasha cudurrada faafa ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in tirada badan ee baaritaanka la sameeyay ay tahay mid lagu farxo.

“Waxay ila tahay in shaqo wacan la qabtay”, ayuu yiri Ellerin, wuxuuna xaqiijiyay saxnimada baaritaanka ka socda dalkiisa.

2Hadda waxaa lagu jiraa xaalad deg deg ah, taasina waa tallaabadii aan qaadi lahayn”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Kuuriyada Koonfureed oo uu si ba’an u saameeyay Caabuqa Corona ayaa maantaoo Isniin ah soo tabisay 476 kiis oo cusub, taasoo tirada guud ka dhigeysa 4,212.

Waddankan ayaa laga xaqiijiyay 26 dhimasho oo uu sababay Corona.

.

Gobolka Scotland ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii uu uga hortagi lahaa inuu soo gaaro xanuunka dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay kasoo billowday waddanka Shiinaha.

Isbuucii hore ayaa lagu soo warramay meel ka mid ah gobolkaas laga sameeyay baaritaan la mid ah midka ay sameysay Kuuriyada Koonfureed, kaasoo ah in dadka laga baaro caabuqa iyagoo aan gawaaridooda ka dagin.

Scotland ayaa ah gobolka kaliya ee ka tirsan UK oo wali uusan gaarin Caabuqa Corona.

Waa sidee xaaladda guud ahaan Dunida?

.

In ka badan 90% dadka dhintay waxay ku geeriyoodeen gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, kaasoo ah meesha uu ka dhashay cudurkan cusub.

Hase ahaatee waxaa jiray dhimashooyin kale oo laga soo tabiyay ilaa 10 waddan oo kale.

Iiraan ayaa maanta xaqiijisay 12 qof oo u dhintay xanuunkan, taasoo tirada guud dalkaas ku dhimatay ka dhigeysa 66 ruux.

Waxaa dadka dhintay ku jira sarkaal sare oo ka mid ahaa la taliyeyaasha hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ali Khamenei, sida ay warbaahinta Iiraan shaaciyeen.

Talyaaniga ayey ku dhinteen in ka badan 30 ruux, waana dalka ay saameynta ugu xun gaartay guud ahaan Qaaradda Yurub.

Caalamka oo dhan waxaa ilaa hadda laga xaqiijiyay ku dhawaad 90,000 oo kiis.

Caabuqan ayaa hadda dalalka kale ee dunida ugu faafaya si ka dhakhso badan sida uu ugu fidayo Shiinaha.