Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda Beled Xaawo

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa BBC-da u sheegay in ciidanka ka soo horjeeda ay hoobiyayaal ku garaaceen gudaha magaalada Beled Xaawo ayna guryo ku gubteen.

Dagaalka ayaa weli ka socda aagga uu saaka ka bilowday iyadoo ay dad badan ka barakaceen qeybo kamid ah magaalada Mandheerea.

Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in labada dhinaca haatan ay isku adeegsanayaan hub culus.

Waxaana haatan socdaa dagaalka u dhexeeya ciidamada dawladda ee gacanta ku haya Beled Xaawo iyo ciidamada Jubaland ee jooga dhinca xuduudda Kenya.

“Gancisgii waa xiran yahay, Iskuulaadkii maanta waaba la fasaxay markii hore ay saaka waxa dhacayeen…..waan arkayay hobiye guri ku dhacay dad shacab uu leeyahay dadka wuxuu gaarsiiyay ma aqaanno” ayuu yiri mid kamid ah odeyaasha magaalada Beled Xaawo oo BBC la hadlayay.