Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Gudida Sare Ee Baanka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland muuse bixi cabdi ayaa Galinkii Ganbe Ee Maanta waxaa uu ku qaabiley hoyga uu ka degen yahay magaalada Hargeysa Gudida Sarre Ee Baanka Somaliland oo uu dhawan madaxweynuhu Magacaabay . Islamarkaana ay ansixiyeen golaha wakiilada jsl.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa lagu lafa guray waxyaabihi gudida u qabsoomay mudadi koobnayd ee ay shaqeynayeen iyo doorkoodii la dagaalanka sixir Bararka iyo nooleynta qiimaha shilinka Somaliland iyaga oo kaashanaya Gudoomiyaha Baanka Cali Ibraahim “Baqdaadi” iyo agaasimaha Baanka Axmed Xasan “Carwo” .

Madaxweynaha oo hadal halkaasi ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay gudiga siday ugu shaqeeyeen bulshadooda , waxaanu sheegay in intii koob neyd ee gudigu shaqeynaysay ay qabteen shaqo lagu diirsaday , waxaanu madaxweynuhu si gaara ugu mahad celiyay gudoomiyaha banka iyo wasiirka maaliyada oo uu sheegay inay awood xooga saaren sidii loosoo noolay laha Shilinka Somaliland.

Gudoomiyaha golaha wakiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa dhankiisa tilmaamay in wixii Xeerar ah ay kala shaqeyn doonaan dhaqaajintooda .