Mareykanka oo weerar aargudasho ah ka fuliyey Iraq

Ciidamada Mareykanka ayaa Khamiistii dhowr weerar la beegsaday maleeshiyo Shiico Iraqi ah oo ay taageerto Iran, taasi oo lagu eedeeyey weerar maalin ka hor lagu dilay laba askari oo Mareykan ah iyo askari British ah.

Weerarka Mareykanka ayaa lala beegsaday shan bakhaar oo hubka ay ku keydsato kooxda Kataib Hezbollah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaacca Mareykanka ee Pentagon.

Militariga Mareykanka ma aysan shaacin tirada dadka laga yaabo in lagu dilay weeraradan, oo lagu fuliyey diyaarado ay dad wadeen.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa bayaan uu soo saaray kaga digay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu mar kale jawaab bixiyo, haddii loo baahdo.

“Waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, oo aan ku bad-baadineyno ciidamadeena Iraq iyo gobolka,” ayuu yiri Esper.

Madaxweyne Trump ayaa si deg deg ah u ansixiyey weerarada kadib markii Arbacadii ay mintidiinta Iraq ay gantaalo ku dhufteen saldhigga Taji ee Waqooyiga Baghdad.

Qiyaastii 30 gantaal oo ay soo rideen Mintidiinta ayaa 18 ka mid ah waxay ku dhaceen saldhigga. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Hase yeeshee Mareykanka ayaa ku eedeeyey kooxda Kataib Hezbollah.

REUTERS