Xaaska Trudeau oo laga helay Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa la go’doomin doonaa muddo laba toddobaad ah kadib markii xaaskiisa, Sophie, laga helay Coronavirus Khamiistii.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caafimaadkiisu wanaagsan yahay, welina laguma arag wax astaamo oo Coronavirus ah, sida uu afhayeenkiisa ku sheegay qoraal uu soo dhigay twitter.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Trudeau ayaa Khamiistii sheegay in Sophie Gregoire Trudeau, oo kasoo laabatay munaasabad ay khudbad ka jeedisay oo ka dhacday Britain, lagu arkayo astaamo ay ka mid yihiin qandho, habeenkii Arbacada.

Sophie ayaa la go’doomin doonaa, halka ra’iisul wasaaraha uu si iskiis ah isku go’doomin doono muddo 14 maalmood ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Xafiiska Trudeau ayaa sheegay in dhaqtarkiisa uu ku waaniyey inuu sii wato shaqadiisa maalinleha ah, halka uu si gooni ah isku karantiili doono, maamdaama aan weli wax astaamo ah lagu arkin.

Waxa uu maalinkiisa ku bixin doonaa inuu kulamada ku qabto taleefono iyo muuqaallo online ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa baajiyey kulan fool ka fool ah oo la qorsheeyey inuu la qaato madaxda gobollada dalkaas.

Dalka Canada ayaa waxaa laga diiwaan geliyey 145 kiis oo Coronavirus ah, balse hal qof oo kaliya ayaa u dhintay. 7 ka mid ah 10-ka gobol ee Canada ayaa laga helay Coronavirus.

REUTERS/ AP