Maydka Marxuum Si Foolxun Mindi Loogu Dilay Shalay Magaalada Hargeisa oo Wali Yaala Dhakhtarka Weyn.

Hargeisa(GNN):-Shalay Aroortii hore Abaaro 8:00-dii subaxnimo ayaa Kooxo isa soo abaabulay waxay sariimada idaacada ee magaalada hargeysa ku dileen hal qof iyo mid kale oo dhaawac soo gaadhay dhacdan oo ka bilaabantay  haweenay kamida kuwa ku ganacsada suuqa idaacada  ay inan is afdhaafeen kadibna ay  u dalbatay rag ehelkeeda ah kuwaasi oo tooray ku dilay marxuumka geeriyooday Oo lagu Magacaabi jiray alle haw Naxariistee Cabdi Maxamed C/laahi Askar.

 Halka ay dhaawac ugaysteen Nin kale oo kamid ah dadka ku ganacsada suuqa idaacada ee isku dayey inuu kala dhexgalo oo isna magaciisa lagu sheegay Ayaanle Aw Axmed.

Marxuumka la dilay ayaa wali Maydkiisu yaalaa dhakhtarka wayne magaalada hargaysa.

 Dilkan foosha xun oo Argagax galiyey dadkii ka agdhawaa ee ku sugnaa Suuqaasi ayaaanay wali ka hadal laamaha amaanka ee Somaliland iyo cida loo soo qab qabtay falkan dilka ah.

 Wararka iyo Xogaha Dheeraadka ee aanu ka helayno dilkan ayaa sheegay in ciidamada boolisku magaalada wajaale kasoo qabteen saddex qof oo kamid ah dadkii dilkan fuliyey  oo ay kamid tahay gabadhiii iyadu Marka hore sababta u ahayd ee u yeedhay raga dilka gaystay.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.