Rwanda iyo Nigeria oo xaqiijiyay kiisas hor leh oo ku saabsan feyraska Corona

Rwanda waxay xaqiijisay labo kiis oo hor leh oo ku saabsan cudurka Corona, waxay haatan kiisaska la xaqiijiyay gudaha dalkaas gaarayaan ilaa toddobo.

Wasaaradda caafimaadka Rwanda waxay sheegtay in mid kamid ah dadka laga helay cudurka uu u dhashay dalkaas halka qofka labaadna uu kasoo jeedo Jarmalka kaas oo Rwanda yimid 13-kii bishan March.

Rwanda ayaa Sabtidii xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus .

Dhanka kale, Nigeria waxay xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Corona, qofkan uu ku dhacay cudurka ayaa kasoo safray dalka UK 13-kii bishan March.

Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay in la karantiilay qofkaas lagu arkay cudurka.