Dal deyntii lagu lahaa isaga bixiyay Lo’

Dalka Chad ayaa 75,000 oo neef oo lo’ ah ku wareejisay dowladda Angola si ay isaga bixiso deyn gaareyso 100 milyan oo dollar.

Chad ayaa qaar kamid ah xoolahan si rasmi ah ugu wareejisay wasaaradda beeraha ee dalka Angola.

Wargeyska dowladda ayaa xaqiijiyay in markab siday lo’da uu gaaray Angola isla markaana uu dib ugu laaban doono Chad si uu soo daabulo lo’ kale.

Caasimadda Luanda waxaa sidoo kale lagu wadaa in bishan gudaheeda ay gaaraan 4,500 neef oo lo’ ah oo laga soo daabulayo dhinaca Chad.