‘Waa in cudurka Corona laga baaro qof kasta oo looga shakiyay’

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ugu baaqday dalalka caalamka inay baaraan qof kasta oo looga shakiya feyraska Corona si loo xakameeyo cudurka Corona.

Waxaa jiraa walaac ah in dalka kasta uusan baari karin feyraska taasina ay abuurtay cabsida ah in la ogaan waayo kiisas hor leh.

Ugu yaraan 30 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay kiisaska cudurka Corona, waxay qaar dalalkaas qaadeen tallaabooyin lagu xakameynayo feyraska.

Dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa waxa aysan laheyn qalabka lagu baarayo cudurka Corona.

Liibiya ayaa kamid ah dalalkaas, weli ma aysan xaqiijin wax kiis ah oo ku saabsan cudurka balse waxay haatan xirtay dhammaan dekedaha laga soo galo dalkaas si looga hortaggo cudurka.

Dowladda Soomaaliya waxay joojisay dhammaan duulimaadyada caalamiga ah laga billaabo saqda dhexe 18-ka bishan March muddo 15 cisho ah kaddib la shaaciyay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhaca Corona.