????? ?? ???? ??????? ?? ????? ??????????? ???????? ???????? ?? ????? ??’?????? ???????????? ?? ????????.W/Q-Adaam Saalax

Bismilaahi.

Maxaa ka runa barmaamijka..

Horta marka hore waxaan ka afeefanayaa kana cudur daaranayaa inaanan si shakhsiyana uga hadlayn wariye bushaare baandey taariikh nololeedkeeda iyo xirfadeeda warbaahineed sidoo kale kama hadli doona mabd’a ay aaminsan tahay oo way iska cadahay oo waa muwaadinad reer somaliland ah walina ma hayno meel ay kaga tanaasushay dalkeeda somaliland marka sabab aan iyada u qaadaa dhigo oo u daba galnaa meesha ma taalo, sabab kalena waan uga hadli waayey oo ah in ay iyadu tahay qof dumara oo la kalifayo dhinaca kalena iska shaqey sanaysa.

Laakiin waxaynu ka hadli doona barmaamijkan mudooyinkii danbe ay caanka ku noqotay ee la magac baxay somaliland la wada leeyahay marna la yidhaa ka hodan adeerka cida iska halayd hal abuurkiisa, cida isku duba rida iyo cidan uu u danaynayo ee faa’idada u aragta in barmaamijkaasi wax way u tarayo oo guul kaga gaadhayo dhinaca siyaasada.

Yaa iska leh hal abuurka barmaamijkaas inaad is weydiisaa laga yaaba in badana dawakhisay maskaxdaada oo maalgaliyaha iyo mulkiilihiisana aad garan la’ayd hadaba anaa isku dayey inaan helo wakhtina ku bixiyey akhristee xaqiiqadu waxa weeyi sidan:-

Ugu horeyn Magaca barmaamijka yaa iska lahaa? waxaa hal abuurkiisa iska lahaa labada Prof: ee Ahmed ismaaciil samater iyo cali khaliif galaydh inaad xasuusataan mooyaaye waa kuwii ku soo mari jiran dalka oo dhan tabliiqigii siyaasiga ahaa ee kulamada dadweynaha ee gobolada dalka qaban jiray. Hadii aad ila soo fahanteen cida leh magaca barmaamijka imikana waxaynu u galayna maalgaliyaha iyo mulkiilaha barmaamijka.

Marka hore iyana waxaynu baadhaynaa waxa barmaamijkan keenay amba kalifay in bulshada lala wadaago oo dana mooday hirgalintiisa.

Barmaamijkaas wuxuu uu ka dhashay marka hore khilaaf dhinaca kulmiye dhexdiisa ah waliba gudoomiyanimada xisbiga sanadkii hore ee ina dhaafay ee 2019-ka. Khifaalku markaa wuxuu u dhaxeeyey madaxweyne muuse biixiga dalka xukuma iyo maxamuud xaashi oo si weyn u hunguranaynaya gudoominimada xisbiga, wakhtiga waxa jiray kulan maxamuud xaashi madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne muuse biixi kagana dalbaday in uu iska soo wareejiyo gudoonka xisbiga kulmiye madaama uu isagu imika madaxweyne noqday qodobkaa uu maxamuud xaashi u soo bandhigay madaxweyne muuse biixi way u cuntami wayday waanu ka diiday halkaasna waxaa ka bilaamaya orod badan oo maxamuud xaashi dal iyo dibadba ku maray oo ay ugu danbaysa shalay oo uu kula kulmay dhalyaro aan aan feejignayn ee xaafada 150-ka ee magaalada hargaysa.

Dhinaca kale waxaa jiray in Maxamuud xaashi godob hore oo uu ka galay madaxweyne muuse biixi xiligii xukuumadii siilaanyo xisbiga kulmiyana loo dooranayey gudoonka ee ahmed siilaanyo ayuu maxamuud xaashi loolan ka dhana galay sidii aanu gudoomiyinimada xisbiga u qaban lahayd madaxweynaha dalka haadatan ka taliya.

Hadaba hadaynu isla soo afgaranay cida leh barmaamijkaa maalkana ku bixisa waa maaxamuud xaashiyiga ka cadhooday diidmadii MW muuse u diiday inuu ku wareejiyo hogaanka xisbiga kulmiye.

Su’aalbaan halkaa iska weydiiyey ah mar hadii ciriga amba asalka barmaamijkuba ahaa khilaafka xisbiga kulmiye dhexdiisa maxaa kalifay in barmaamijka loola doonto magac ka tan weyn oo ah somaliland oo dhan oo la wada leeyahay ee loogu eekayn siinwaayey kulmiye lawada leeyahay? Waa hal shay oo kaliya sababta kalifaysaabaan is leeyahay oo ah maxamuud xaashi wuxuu fursada u arkayey amba barmaamijka sal looga dhigay in madaxweyne biixii lagu gilgisho oo mucarad adag loo muujiyo ka dib madaxweyne muuse u yeedhi doona markale maxamuud xaashi oo odhan doona mucaaradan iga daa’ xisbigana hoo gudoomiyihiisa halkaana lagu soo afjaro khilaafkoodii u dhaxeeyey. Laakiin maxamuud xaashi waxaanu ka war hayn hal adayga iyo inan MW muuse waxaa ka qoreyn una yeedhi doonin si kasta oo uu dacaayad iyo been uga faafiyo waanay dhacday oo ilaa maanta laysma arki karo oo maxamuudna mucaaradiisii ayuu sii wataa rajana wuxuu ka qabaa in mar uun MW muuse is afgaran doonan xilka gudoomiyaha kulmiyana loo dhiibi doono.

Hadana waxaynu u gudbi doona cidan baas ee bushaare baandey barmaamijka u soo dhiibta isagoo tafatiran dhinac kasta Editinka, codka, iyo waliba hab qoraaleedka lays isku toosiyey ee tidhaahda adigu ku adin uun bushaaroy. Sidoo kalena waxaynu isweydiin doona cidan baas ee soo qorta liiska dadka xilalka ka haya dowlada iyo xogaha kale ee barmaamijka aasaaska u ah.

Kow barmaamijkan hagaajintiisa waxaa isugu taga seddex qolo amba shakhsiyaad, seddexdaa qof amba qolo waa wariye cabdirisaaq terra oo dhinaca codka iyo laxanka qaabilsan kana saxa bushaaro wixii dhinacaa qalad kaga yimaada,
laba cali mahdi jibril oo isaguna dhinaca editinka qaabilsan kana habeeya, saddex qolada xogta barmaamijka ka soo ururisa oo dalka gudihiisa jooga kuna jiraan wariyaal iyo shaqsiyaad xukuumada ka tirsan hada iyo qaar ka tagey amba ka tirsanan jiray iyo waliba bushaaro oo ku eedaanta. Qoloda xogta soo gudbisa waxaanan u sheegey sababo ii gaara aniga owgeed. Waad maqashaanuune isku
dubaridayaalku waa intaas.

Gabogabadii waxaynu iyana eegi doona cidan faa’idada u aragta barmaamijyada noocan oo kale ah. Waa ta koowaade cida u aragta in barmaamijkan iyo qaar la mida la soo saara waa cidii aliftay waa maxamuud xaashiye halshayna isagu wuu ka rabaa ah in mucaaradadiisu u dhasho in gudoomiyaha xisbiga kulmiye lagu wareejiyo. Qolada labaad ee iyana faa’idada u aragtaa waa xisbiga wadani iyo taageerayaashisa oo iyagu waxaynu odhan karna waa mucaarad ramsima oo aan laba labayn barmaamijka noocan ahna iyagu waxay u arkaan mid fashilinaya xukuumada oo daldalooladeeda soo bandhiga halkaana ay kala bixi karaan amba ka heli karaan xog ay wax ku mucaradaan.

Maxaa ka beena barmaamijka?….

Waxa ka beena in barmaamijku doonayo wax lagu sheego somaliland la wada leeyahay dadkuna simaan cadaaladna wada helaan lkn dhicana kale uu rabo in xisbiga kulmiye gudoomiyenimadiisa lagu wareejiyo maxamuud xaashi jeegaana sinaato cadaaladna hesho xisbiga kulmiye guduhiisa.

Laba in barmaamijku qabyaalad isaga laftiisa yahay oo dhiirigalinayo lkn aanu rabin in qabyaaladu suushu amba la tirtiro dadkuna noqdaan qaran garbo siman.

Seddex in barmaamijku ku meelgaadh uu yahay oo bariba hadii xisbiga kulmiye maxamuud xaashi lagu wareejiyo isna la joojin doona.

Wa bilaahi dowfiiq.

#share oo gaadhsii dad badan si xaqiiqda ay u ogaadaan.

Adaam Saalax